sombleg
somalibelguim
Inhoud blog
  • argagaxiso waayo? ma shacb lagu soo duulay baa ah argagaxiso ???
  • waa urur u shaqeeya dadka masaakiinta xabada ka soo qaxay
    Zoeken in blog

    Beoordeel dit blog
      Zeer goed
      Goed
      Voldoende
      Nog wat bijwerken
      Nog veel werk aan
     
    24-11-2008
    Klik hier om een link te hebben waarmee u dit artikel later terug kunt lezen.argagaxiso waayo? ma shacb lagu soo duulay baa ah argagaxiso ???

    Shaki kuma jiro in Argagaxisadu ay tahay Itoobiya iyo xulafadeeda mar haddii ay shacabkii degganaa ee nabadda ku noolaa ay ka argagaxisiyeen oo ay cabsi iyo barakac u horseedeen.

    Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ka hor intaynan Itoobiya aysan soo weerarin oo Maakiimtu
    joogeen waxay ku noolaayeen nabad iyo barwaaqo, waxay ahaayeen Shacab guryahooda cabsi la'aan ku degan, Gabadha Soomaaliyeed waxay suuqa aadi jirtay iyadoo kaligeed ah oo haba yaraatee aysan jirin wax ay ka cabsanayso oon ahayn Allihii Aboortay, Dugsiyada Quraanka iyo Madaarista Diiniga ah waxay u furnaayeen oo loo dhigan jiray si xor, Xijaabka iyo waxyaabaha soo raaca waxaa loo labisan jiray si xoriyadnimo ay ku jirto mana jirn cabsi laga qabo dawlad iyo wixii la mid ah, dalku wuxuu ahaa dal ay ka dhismi rabtay Dawlad Islaami ah laakiin markiiba waxaa kacay oo Shaydaanku u yeedhay intii necbayd in Dawlad Islaami ah ay ka dhisanto Soomaaliya waxayna maciin ka dhigteen dawladihii Kufaarta ahaa sida Itoobiya oo ay ka dalbeen sidii looga hor tagi lahaa khatar ooga imaan karta dawladahaas Kufaarta ah Soomaaliya mar haddii ay ka dhismayso Dawlad Islaami ah.

    Dawladda Itoobiya oo ku jirta dawladaha neceb Islaamka iyo Soomaalidaba ayaa markiiba u soo diyaargarawday inay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya xasuuqdo iyadoo leh waxaan la dagaalamayaa Argagaxiso Soomaaliya ka jirta. 

    Itoobiya oo maciin u ah Kooxda Cabdulaahi Yuusuf ayaa markiiba madaafiic aan loo meeldayin waxay la dhaceen xaafadihii ay degganaayeen Shacabku, waxaa la kufsaday gabdhihii Soomaaliyeed, waxaana Agoomo laga dhigay caruur badan oo tiradoodu kor u dhaafayso malaayiin caruur ah, Sidaas lagagama hadhinee waxaa lagubay guryahoodii iyo goobihii ay ka ganacsan jireen, waxaana la barakiciyay qoysas aad u tiro badan kuwaas oo intooda badan macluul ugu go'aya meelo cid la ah, caruur badan oo qalbigooda farxadi ka buuxday rajo fiicana lahaa ayaa Cabsi iyo Argagax farxaddii loogu badalay.

    Haddaba waxaa Shacabkaas ka dhex kacay oo isa soo qaban qaabiyay Dhalinyaro naftood hurayaal ah oo u adkaysan waayay waxa shacabkooda Soomaaliyeed lagu samaynayo ee falal argagaxiso ah, dhalinyartaas oo ciidankii duullaanka ahaa ee Itoobiya dhagta dhiigga u daray, waxayna cabsi dheeraad ah ku beereen quluubtii Tigreegga iyo Gaala raacdiiba. Haddaba su'aasha meesha taalla ayaa ah Yaa Argagaxiso ah? Ma Shacab dhulkoodii loogu yimid ee difaacaya Diintooda, Naftooda iyo Dalkooda. Mise dadkii soo duuley ee laayay Hooyooyinkii iyo Caruurtii ee xasuuqay Shacabkii?.

    Shaki kuma jiro in Argagaxisadu ay tahay qolyihii soo duuley ee ku soo duuley dalka Soomaaliya oo ay ugu horreyso Itoobiya iyo Kooxda Cabdullaahi Yuusuf, waxaana mustaqbalka dhaw lala tiigsan doonaa Kooxahaas dalka ku soo duullay Sharciga iyadoo ay Aakhirana u laaban tahay Maxkamaddii Ilaahay.


    0 1 2 3 4 5 - Gemiddelde waardering: 0/5 - ( Stemmen)
    24-11-2008, 22:34 geschreven door sombleg  
    Klik hier om een link te hebben waarmee u dit artikel later terug kunt lezen. waa urur u shaqeeya dadka masaakiinta xabada ka soo qaxay
    Klik op de afbeelding om de link te volgen

    waa masiibo  shacab ay ku habsatay 18 sano xabad ku socotay ay dhamaatay masiirkoodii mustaqbal waa shacab leesugu tagay oo maskax shiseeye ay qasayaan faragalin aan caadi aheen oo caalamka iyo somali calooshaad shaqeestayaal ah iyo kuwo kursi u dagaalamaya iyo kuwo caadifad qabiil hayaanba ay ku cayaareen masiirkii somaaliyeed waxaa ku nafwaaye 150;000 oo somali ah hadaysan ka badneen


    0 1 2 3 4 5 - Gemiddelde waardering: 0/5 - (0 Stemmen)
    24-11-2008, 22:23 geschreven door sombleg  
    Archief per week
  • 24/11-30/11 2008
    E-mail mij

    Druk op onderstaande knop om mij te e-mailen.

    Gastenboek

    Druk op onderstaande knop om een berichtje achter te laten in mijn gastenboek

    Blog als favoriet !

    Blog tegen de wet? Klik hier.
    Gratis blog op https://www.bloggen.be - Meer blogs